Guddigii Dib U Heshiisiinta Gobolka Gedo Oo Maanta Gaaray Garbahaarey

KISMAAYO-AYAAMAHA-Guddiga dib u heshiisiinta Gobolka Gedo ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta ayaa duhurnimadii Maanta gaaray Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo ee Jubbaland.

Guddiga oo ah Wasiiro maamul Goboleed ah ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Mas’uuiliyiinta Garbahaarey iyo xubno kale, iyagoona intaas kadib loo galbiyay dhinaca Xarunta Maamulka degmada.

Guddiga dib u heshiisiinta Gobolka Gedo ayaa bilaabaya howsha loo idmaday oo ah inay dib u heshiisiin u sameeyan Bulshada degmadaas iyo cid kasta ah oo quseysa, si ay uga dhacdo Doorashada Baarlamaanka Federaalka.

Xubnaha Guddiga ayaa kala ah Wasiirka Arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle, Wasiirka Arrimaha Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabancad, Wasiirka Qorsheynta Koonfurta Galbeed Axmed Madoobe Nuunow iyo Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Galmudug Aadan Cismaan Xuseen.