Guddigii Loo Xilsaaray Saraakiishii la laayey Oo War Soo Saaray

DH/MAREEB-AYAAMAHA-Wasiirka Arimaha Guddaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac ( Waayeel) ayaa ka warbixiyey howlgallada ay wadaan Ciidamada Amniga ee lagu baadi goobayo kooxdii ka dambeysay dil dhowaan loo geystay Saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka

Wasiirka oo kamid ahaa Guddiga loo xilsaaray dhacdadaas Warbaahinta kula hadlay Dhuusamareeb waxaa uu sheegay inay weli socdaan dadaalada ku aadan sidii loo qaboojin lahaa ehellada saraakiishii la dilay iyo Ciidamadii ay ka tirsanaayeen.

Sidoo kale Cabdi Waayeel ayaa carabka ku adkeeyay inay cadaalada hor keeni doonaan dadkii ka dambeeyay falkaasi, isagoona xaqiijiyey inay gacanta kusoo dhigeen dad lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen weerarka lagu dilay saraakiisha.

“Waxay ahaayeen Saraakiisha la dilay kuwo u shaqeynayay Qaranka, waxaana ku howlanahay sidii aan cadaalada u horkeeni laheyn dadkii ka dambeeyay dilkooda,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa dhawaan guddi u magacaabay dilka Saraakiisha, iyagoona kaalin mug leh ka qaadanaya baaritan lagu sameyn doono weerarkaasi oo ka dhacay degmada Balanbal.

9-kii Bishaan ayaa weerar ka dhacay duleedka degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa lagu dilay Saraakiil ka tirsanaa Ciidamada Millateriga Soomaaliya, xilli ay ka yimaadeen xerada tababarka Ciidamada harqaboobe ee degmada Guriceel.