Guddigii Puntland Ee U Xil Saarnaa Diidmada Shillin Soomaaliga Oo Go’aano Cusub Soo Saaray

GAROOWE-AYAAMAHA-Guddiga Puntland u saartay ka soo talabixinta qiima dhaca Shilling Soomaaliga ayaa soo bandhigay qodobo dhowr ah oo ay ku taliyeen si xal loogu raadiyo Qaadashada Shillinka Soomaaaliga.

Go’aanada oo ka kooban 7 qodob ayaa sahli kara in lacagta Shillin Soomaaliga si caadi ah looga isticmaalo degaannada Puntland,  isla markaana ay meesha ka baxdo cabashada Dadweynaha.

Hoos Ka Akhriso Go’aamada ay soo saareen Guddiga uu Magacaabay Madaxweynaha Puntland.

1.In la socodsiiyo shilling Soomaaliga, go’aamada waxaa iska kaashanaya dowladda, ganacsatada iyo bulshada.

2. in Bangiga lagu xereeyo lacagta shillinga Soomaaliga ee ku badan suuqa dowladda ayaa bar xerayn doonta halka barka kalena ay ganacsatadu xerayn doonaan.

3. dolwadduu canshuurta dekedda Boosaaso boqolkiiba 20% ku qaaddo Shilling Soomaali.

2. In dowladdu mushahar iyo adeegyada dowladda 20% ku bixiso Shilling Soomaali.

3. Waxaa meesha laga saaray kala duwanaanshanaha sarifka lacagaha qalaad iyadoo uu jaan goyn doono bangiga dhexe ee Puntland.

4. Waxaa la joojiyey qulqulka lacagaha Shilling Soomaaliga ee u kala gooshaya gobolada Puntland.

5. In dowladdaha hoose canshuuraha ku qaadaan Shilling Soomaaliga.

6. In sariflayaashu ruqsad ka qaataan bangiga dowladda ayna raacaan xeerarka bangiga.

7. Shirkadaha isgaarsiinta waxaa loo fasaxay adeegyadii horay looga xayiray.