Guddiyada Doorashooyinka Dalka Oo Tababar Loo Soo Xiray

MUQDISHO-AYAAMAHA-Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Cabdixakiin Xasan Ashkir ayaa soo xiray tababar muddo 3 cisho ah u socday Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal, heer dowlad-goboleed iyo xallinta khilaafaadka.

Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlaayay kulan lagu soo xirayay tababarka ayaa kula dar daarmay inay ilaaliyaan daah furnaanta doorashada iyo in si cadaalad ah ay u gutaan waajibaadka loo igmaday.

“Waxaan filayaa inaad aad uga doodeen daah furnaanta, cadaaladda iyo hufnaanta doorashada, qof waliba oo Soomaali ah maanta cidda uu soo eegayo oo uu rajada weyn ka qabo, doorashada Qaranka min Madaxweyne ilaa iyo Xildhibaannada labada aqal dadka looga fadhiyo ee martida looga yahay waa dadkiina halkan fadhiya” ayuu yiri Cabdixakiin Xasan.

“Dadkii masiirka Ummaddaas hagi lahaa, isku toosin lahaa dad wax gal ah inay ka soo baxaan laga rabo ayaad tihiin, cidda idin wehlisa waa ergada oo aad ku leedihiin kalimad idinka oo la kaashanaya Maamulada iyo cid waliba oo shaqo ku leh arrimaha doorashooyinka” ayuu sii raaciyay hadalkiisa Wasiiru dowlaha.

Wasiiru-dowlaha Xafiiska ayaa xusay in guddiyada doorashooyinka iyo xalinta khikaafaadka ay saarantahay mas’uuliyad adag, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay inay si cadaalad ah uga soo dhalaali doonaan mas’uuliyadda loo igmaday.

Doorashadda Soomaaliya ayaa la filayaa inay dhowaan billaabato waxaana aad looga cabsi qabaa inuu hareeyo musuq-maasuq baahan, maadaamaa midaan tii ka horeysay aad loo musuqmaasuqay.