Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo hal arrin darteed u diidan inuu magacaabo guddiga Doorashada.

JOWHAR-AYAAMAHA-Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle C/xakiim Luqmaan uu hakiyay Magacaabida Xubnaha Guddiga qabanaya doorashada Aqalka Sare ee HirShabeelle.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegaya in sababaha uu u hakiyay ay la xiriirto Baasaboorka Diblomaasiga oo loo diiday Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle.

HirShabeelle ayaa aad ugu dhow masuuliyiinta xilka ka dhammaaday ee dowladda federaalka Soomaaliya, mana cada sabata arrintaan ay u saameyn doonto doorashada.

Taliyaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin ayaa aad ugu dhow guddoonka Baarlamaanka Hirshabeelle, waxaana laga yaabaa in arrintaa uu soo farageliyo si doorashada loo dedejiyo.