Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo xilka kala wareegay Guddoomiyihii hore

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xilka kala wareegay Guddoomiyihii hore Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish, kaddib Munaasabad xalay ka dhacday Xarunta Gobolka Banaadir.

Munaadabada xil wareejinya waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka dalka Saalax Jaamac iyo wasiirka arrimaha gudaha xukuumada Axmed Macali Fiqi.

Madaale ayaa balan qaaday in uu ka shaqeyn doono sidii loo horumarin lahaa Caasimada, isla markaana Bulshada loo gaarsiin lahaa Adeegyada Aas-aasiga.