Guddoomiyaha Gobolka Bakool oo soo bandhigay dhibaato ay geysteen Ciidamada Liyuu Booliis

BAYHABO-AYAAMAHA- Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tall oo la hadlay Warbaahinta ayaa Ciidamada Liyuu Booliis ku eedeeyay in ay dileen Dad Shacab ah oo ku sugan Gobolkaas gaar ahaan Deegaannada Xiga Xadka Dowlad-Deegaanka Soomaalida.

Guddoomiye Maxamed Cabdi Tall ayaa sheegay in ka maamul ahaan aanay ka warqabin weerarka Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaannada Yeed & Caato ee Gobolka Afdheer Dowlad-Deegaanka Soomaalida.

Waxa uu sheegay in dadka rayidka ah la dilay guryahooda ay ugu tageen Ciidanka Liyuu Booliis kaddib markii ay ugu tageen Guryahooda iyaga oo si gaar ah u beegsaday Dadkaas oo uu tilmaamay in ay yihiin rayid.

Dowlad-Deegaanka Soomaalida ayuu ku eedeeyay in aysan xiriir kala sameyn Maamulka Gobolka Bakool si wadajir ay ugu fuliyaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab si loo badbaadiyo Dadka Rayidka ah.

“Dhibka ka dhacay Dowlad-Deegaanka waa mid dhibaato badan u geystay Dadka, Abaabulka weerarkaas ma aha mid ka yimid Gobolka Bakool, Dadka waxa ay isugu jiraan kuwa ku jira Al-Shabaab, ONLF & Dad kale, Ciidamada Liyuu Booliis ayaa dhibaato u geystay Dad kasoo barakacay Abaarta” Maxamed Cabdi Tall, Guddoomiyaha Gobolka Bakool.

Maxamed Tall ayaa tallaabadaas ku tilmaamay in mid ka dhan ah wada-shaqeynta DG Koofur Galbeed gaar ahaan Maamulka Bakool & Dowlad-Deegaanka Soomaalida oo uu ka dhaxeeyo iskaashi dhinaca Amniga, siyaasadda & Isu gudubka Ganacsiga.

“Dadka Deegaan degen Al-Shabaab way ku jiraan, Dad wanaagsana way kamid yihiin, arrinta dhacday aad & aad ayaan uga xunnahay, waxa ay ahayd in aan wadajir u qabano oo aan iska kaashano howlgallada ka dhanka ah, Dadka la dhibaateeyay waxaa kamid ah kuwa 15 sano go’doon u galay Shabaab balse ay dhibaateeyeen Liyuu Booliis, waxa aan Dowladda Federaalka, Koofur Galbeed & Dowlad-Deegaanka ka rabnaa in wax laga qabto arrintaan oo laga hortago culeyska la saaray Shacabka” ayuu yiri Guddoomiye Tall.

Al-Shabaab ayaa weerartay Saldhigyo ay leeyihiin Ciidanka Liyuu Booliis, saraakiil katirsan Dowlad-Deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in dagaalkaas Shabaab lagu gaarsiiyay khasaaro kala duwan isla markaana lagu go’doomiyay Gobolka Afdheer.