Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Digniin Culus U Diray  Ciidamada Isku Dagaalay Muqdisho

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banadir Cumar Maxamuud Maxamed  (Filish) ayaa si kulul uga hadlay  shaqaaqadii dhwaan ka dhacday degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, isaga oo u tacsiyadeeyay dadkii  ku dhintay Shaqaaqaadaas.

Cumar Filish oo ka hadlaayey Kulan ka dhacay degmada Kaaraan ayaa waxaa uu ugu baaqay bulshada inay ka hortagaan dadka duhsooda ku dagaalamaya, isla markaana meel uga soo wada jeestaan.

“Dowladdu awood ayay leedahay balse  diyaar uma ahan intay idinka idin jiirto inay u tagto wiilashiinna dambiga sameynaya nooga hormara oo la hadla wiilashiinana celiya si looga baaqsado dhibaato dalka ka dhacda ayuu yiri” Guddoomiye Cumar Filish.

Waxaa uu sheegay in dalkaan uu soo maraya burbur xoogan oo ku yimid, goobaha waxbarashada, Wadooyinka & caafimaadka loona baahan yahay in dib loo dhiso.

Dhawaan ayey aheyd markii degmada Kaaraan ay ku dagaalameen lab Ciidan oo ay kala hoggaaminayeen laba Sarkaal oo ka tirsan Ciidamada, iyada oo weli saan saan colaadeed laga dareemayo degmadaasi Kaaraan.