Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo maanta qabtay shir muhiim ah.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir gudoomiyay Kulan looga hadlayay kobcinta Dakhliyada gobolka Banaadir oo ay goob joog ka ahaayeen qaar kamid ah agaasimayaasha Dowlada hoose ee Xamar.

Shirkan oo muhiimad gaar ah lahaa ayaa diirada lagu saaray sidii isbadal muuqdo looga dareemi lahaa Kor u qaadista kobaca dhaqaalaha gobolka Banaadir ee sanadkan cusub 2022, si loo fuliyo mashaariic waxtar u leh bulshada Caasimadda.

Sida ay horey u sheegtay Wasaaradda Maaliyada waxaa sare u kacay daqliga gudaha iyo kobac dhaqaalaha ee dalka Soomaaliya balse, ganacsatada iyo Bulshada Magaalada Muqdisho ayaa qaba in dhowrkii sano ee lasoo dhaafay uu hoos u dhacay daqliga gudaha iyo wax soo saarka dalka, sababtoo ah wadanka waxaa kajiro shaqo la’aan iyo jidadka Magaalada Muqdisho oo inta badan ahaa kuwa xiran.