Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shaaciyay khasaaraha weerarkii Xarunta Gobolka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo si deg deg ah dalka dib ugu soo laabtay ayaa booqday qaar ka mid ah isbitaalada Magaalada Muqdisho oo ay ku jiraan dhaawacyada shacab waxyeelo kasoo gaartay weerarkii Al-Shabaab ay shalay ku qaadeen Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Aqalka Dowladda Hoose kulan kula qaatay Guddoonka Sare ee Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah Agaasimeyaasha.

Guddoomiyaha oo kulanka kadib Warbaahinta la hadlay ayaa u tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay weerarkaas, isaga oo caafimaad u rajeeyay kuwii ku dhaawacmay, sidoo kale u hambalyeeyay Ciidamada Amniga ee soo afjaray weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen Xarunta Gobolka.

Ugu dambeyn Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in weerarkii Xarunta Gobolka ay ku dhinteen ilaa 6 ruux oo ay kamid ahaayeen Agaasimihii Naafada Gobolka Banaadir iyo Askari katirsan Ciidamada Ammaanka.