Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Xilakii Ka Qaaday Afar Guddoomiye Degmo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xilalkii Goor dhow ka qaaday Guddoomiyeyaal Degmo ka tirsan Gobolkaan Banaadir.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiye Cumar Finish ayaa waxaa xilalkii looga qaaday afar guddoomiye Degmo oo ka tirsan Gobolka, waxaana kamid ah Guddoomiyeyaashii degmooyinka Xamarweyne Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir iyo Kaaraan Abshir Kaaraan.

Sidoo kale Guddoomiyeyaasha xilalka laga qaaday ayaa waxaa ku jira Guddoomiyihii degmada Waabari Cabdicasiis Cismaan Jaamac iyo Guddoomiyihii degmada Hiliwaa Cabdixakiin Cumar Cabdulle.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa kusimaha Guddoomiyaha degmada Xamarweyne u magacaabay Maxamed Axmed Iidow oo ah Guddoomiye ku-xigeenka amniga degmada, halka Siihayaha Guddoomiyaha Kaaran laga dhigay Deeq Xasan Sheekhow oo ah Guddoomiye ku-xigeenka amniga degmadaas.

Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Guddoomiyaha degmada Hiliwaa u magacaabay Mire Salaad Dhuxulow, sidoo kalena waxaa kusimaha Guddoomiyaha Waaberi loo magacaabay Jamaal Cali Maxamed.