Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo weerar lagu qaaday

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ay la socdaan Saraakiil ka tirsan Ciidamada qeybta 27aad ayaa la sheegay in Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar jidgal ah ku sameeyeen xilli ay marayeen halka lagu Magacaabo Burfiiq, iyaga oo ku wajahan degmada Farlixbaax ee Gobolka Hiiraan.

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Galbinayay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan igo Al-Shabaab ayaa ka dhacay degaanka Burfiiq, kaas oo aan weli la xaqiinin khasaaraha ka dhashay.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Saraakiisha Ciidamada ayaan weli ka hadlin weerarkaas,iyada oo dhowr jeer sidaan oo kale loogu weeraray degaano hoostaga Magaalada Beledweyne