Guddoomiyaha gobolka Mudug oo ka jawaabay hadalkii Sheekh Umal

MUQDISHO-AYAAMAHA-Cabdiladhiif Muuse Nuur (Sanyare) oo ah guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa ka jawaabay falcelintii qaar ka mid ah culumada Soomaalida ay ka bixiyeen hadal uu jeediyay oo dadka qaar ay u arkeen “mid meel ka dhac ku ah” diinta.

Guddoomiye sanyare oo wareysi gaar ah siiyay BBC-da ayaa ka cudur daartay arrinta loo qabsaday, laakiin dhanka kale wuxuu sheegay in uu dhibsaday qaabka khaladkiisa loogu sheegay.

“Qofka muslimka ah haddii lagu dhaho, ‘khalad baad gashaye toobad keen’ wax dhibaato ah kuma aha, waxay u tahay ammaan, toobadduna waa qeyb ka mid ah ammaanta dadka muslimiinta ah iyo in Alle loo noqdo, cid kasta oo kuu sheegta inaad Alle u tooban celisana waa laga aqbalaa, salaaddaba markii aad ka baxdo waxaa lagu billaabaa astaqfirullah,” ayuu yidhi.

Hadalkiisa ayuu sii watay, wuxuuna sii raaciyay: “Wixii khalad ah oo aniga iga dhacay, oo ku khaldamidda diinta ah ama carrabka wax iga raacay waxaan uga toobad keenayaa Alle sababtoo ah nin muslim ah baan ahay. Sheekha waa nin culimo ah, ixtiraam baana u hayaa, nasiixaduna waxay ku jirtaa in qofka isagoo aan sharaftiisa wax loo dhimin jirkiisana la danqin wax loo sheeko, si uu warkaaga kaaga qaato. Waxaa igu filneyd inuu igu dhaho khalad baa kaa dhacay ee ka laabo, waana aqbalay isaga iyo culimada kalena waan ka maqlay waana cudur daartay.”

Wuxuu guddoomiyaha sheegay in sheekha aan looga baahneyn inuu isaga ku tilmaamo qof aan salaad tukanin. Laakiin BBC-du ma xaqiijinin in Sheekh umal uu guddoomiyaha ku sheegay in salaadda ka taga, marka laga reebo inuu soo xigtay hadalkii ahaa in Sanyare “uusan masaajidka ku tukanin”.