Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo danjiraha Sacuudi Arabiya oo kulmay.

MUUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay danjiraha dalka Sacuudi Arabiya Amb. Ahmed Bin Mohamed Almowallad.

Safiirka oo Guddoomiyaha kala hadlay arrimaha horumarinta Baarlamaanka JFS iyo sidi loo tayeyn-lahaa shaqaalaha, sidoo kale waxaa uu soo gaarsiiyay dhamaal salaan ah uga siday Guddoomiyaha Golaha fadhiga shuyuuqda dalka Sucuudiga, isagoo sheegay in Guddoonka Golaha shacabka dedaal dheer ku bixiyeen dhismaha Hay’adda ugu sarreysa ee dalka, kaas oo lagu soo doortay Madaxweynaha JFS.

Guddoomiyaha ayaa dhankiisa safiirka ku bogaadiyay dedaalka joogtada ah ee Boqortooyada Sucuudiga la garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.