Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Guddi baaris u saaray buuqii ka dhashay kulankii lagu ansixiyay Xukuumadda

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa magacaabay Guddi KMG ah oo soo baara dhacdadii nidaamdarada ee 7 bishan ka dhacday Xarunta Golaha, halkaasoo dhowr Xildhibaan ay fowdo ka sameeyeen fadhiga, mid ka mid ah Xildhibaannadana uu Guddoonkaku tuuray caag.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa lagu Magacaabay Guddi ka kooban 5 Xubnood, waxaana laga sugayaa shaqooyinka kala ah.

Dhacdada ayaa aheyd gacan ka hadal dhexmaray Xildhibaannada qaar ee Golaha Shacabka, kuwaas oo isku khilaafsanaa habka loo marayo ansixinta Xukuumadda.

Guddigan oo ka kooban shan Xildhibaan ayaa la faray in warbixin ka keenaan natiijada ka soo baxda baaritaanka ay ku soo sameeyaan dhacdadaas waxay u soo gudbinayaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Diyaarinta Warbixin dhameystiran oo aadan natiijada kasoo baxda xog aruurinta iyo talo soo jeedinta Guddiga taasi oo uu guddiga kusoo celinyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka.