Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la yeeshay Safiirka Jaamacada carabta

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Jaamacada Carabta u fadhiya dalkeenna Amb. Salah Elguneid.

Danjiraha oo Guddoomiyaha ugu mahadceliyey soo dhoweynta loo samaayey ayaa xusay in Baarlamaanka JFS  kaalin muuqato uu ku yeesho Jaamacada carabta.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa Jamaacada carabta ku amaanay in doorka muhiimka ah ay ku leedahay iskaashiga dhanka horumarada iyo tayeynta howl-wadeenadda Golaha Shacabka.