Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir deg deg ah isugu yeeray Guddiga joogtada

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe iyo kuxigeenadiisa ayaa kulankii ugu horeeyey la qaatay Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS .

Kulanka ayaa waxaa warbixin looga dhageystay Habdhowraha Golaha Shacabka iyo howlwadeennadda Guddiyada iyagoo mid mid u sharaxay shaqada baaxada leh ay u hayaan Golaha Shacabka BJFS.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii loo dardargelin lahaa shaqada Guddiga joogtada ah, Guddiyada Golaha Shacabka iyo diyaarinta shuruucda Golaha ee kalfadhiga labaad.