Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka Baarlamaanka oo ka horyimid qorsho ay wadeen Guddiga Dastuurka.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Yuusuf Xuseen Gama’diid ayaa ka horyimid qorshe ay damacsanaayeen Guddiga dib u eegista iyo wax ka bedelka dastuurka  oo qorsheynaayey in Baarlamaanka hor-keenaan mooshin muddo kordhin loo sameeyo Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Hoos ka akhriso qoraalka Guddoomiyaha.

Kulanka GUDDIGA KU MEEL GAARKA AH EE DIB-U-EEGISTA IYO LASOCODKA HIRGALINTA DASTUURKA iyo GUDIGA MUDDA KORDHINTA.

GUDDIGA KU MEEL GAARKA AH EE DIB-U-EEGISTA IYO LASOCODKA HIRGALINTA DASTUURKA maanta waxaad ku dhaxdeen shirqool, kulanka aad la yeelateen Guddiga Muddo kordhinta wuxuu suurad xumeynayaa shaqda la idinku aaminay.

Qodobada 133aad iyo 134aad ee Dastuurka KMG ah ee JFS waxaa uu abuuray Hay’adaha Qaranka ugu xil saaran Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka ku meel gaarka ah kuwaas oo kala ah;

b. Guddiga ku meel gaarka ah ee dib-u-eegista iyo lasocodka hirgalinta Dastuurka iyo
t. Guddiga Madaxa Bannaan ee dib-ueegista iyo Hirgalinta Dastuurka ku meel gaarka ah.

Guddiyadaan waxay soo diyaariyeen qodobada la rabo in wax laga badelo, waxayna codsadeen in loo ogolaado kal fadhiga 3aad ee Baarlamaaka 11aad inay hor keenaan wax ka badelka Dastuurka, waxaase lalayaabay markii la arkay warqado ka soo kala baxay Guddoonka labada Gole BJS 27kii & 28kii Febraayo, 2023, laguna dhisay Guddi isku dhaf ah oo ay ku sheegeen in uu u xil-saaranyahay “KA SHAQEYNTA WAX KA BADELKA MUDDA XILEEDKA LABADA GOLE EE BJFS IYO KAN MADAXWEYNAHA JFS”. Guddigaan looma marin habraacii uu Dastuurka udajiyay, marka guddigaan isku dhafka ah oo kale la magacaabayo waa in ay jiraan xubin/xubno golaha horkeenay soojeedintooda wax ka baddeka Dastuurka isla markaana Guddoonku Golaha ka hor akhriyo, dood ka dibna uu cod geliyo, marka ay aqlabiyadda golaha ogolaadaan ayey min 10 xubnood magacaabi karaan eeg qod. 132aad faqradiisa 5aad) ee Dastuurka KMG.

Waxaa wax lala yaaba ah iyadoo aysan jirin wax soojeedin (Motion) muddo kordhin ah oo golaha la hor keenay in guddoonka soo xigtaan.

Nin kastoo dareen moog
Islaantii dalaaq moog
Iyo bahalkii dabin moog
Dalaf dalafta qaarkeed
Daqal bay ka tuurtaa.

Ayaamaha.com