Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo magacaabay guddiga ka kooban 10 xubnood

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Kumeel gaarka ah ee Golaha Shacabka mudane Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad ayaa magacaabay guddiga doorashada guddoonka Golaha Shacabka.

Guddiga ayaa ka kooban 10 xubnood oo dhamaantood ah Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka, kuwaasoo kala ah

1- Cabdullaahi Rooble- kasoo jeeda Puntland (Daarood)
2- Mohamed Hussein Hadi- Kasoo jeeda Somaliland (Dir)
3- Cabdirisaaq Cumar- kasoo jeeda Hirshabeelle. (Hawiye)
4- Xuseen Maxamed Nuur- kasoo jeeda Galmudug (Hawiye)
5- Xaaji Cali Max’ed Nuur- Kasoo jeeda Koonfur Galbeed (Digil iyo Mirifle)
6- Maxamed Abukar- Kasoo jeeda Koonfur Galbeed (Digil iyo Mirifle)
7- Dahabo Suusow Maxamud- Kasoo jeeda Hirshabeelle (Beesha 5aad)
8- Qaasim Cilmi Seed- kasoo jeeda Galmudug (Daarood)
9- Cumar Sharif Jeeg- kasoo jeeda Banaadir (Beesha 5aad)
10- Nasro Mahdi Caraale- kasoo jeeda Jubbaland (DIR).

Guddigan ayaa maalinta berri yeelanaya kulankoodii u horreeyay oo ay uga arrinsanayaan howlaha qaban qaabada doorashada Guddoonka.