Guddoomiye Aadan Madoobe oo Warbixin laga siiyay kiiskii badda Soomaaliya iyo Kenya

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) isagoo weli ku jira booqashadiisa magaalada The Hague ee dalka Netherlands ayaa waxaa uu kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ICJ. Marwo Joan E. Donoghue.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, ayaa waxaa xarunta Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ICJ, ku soo dhoweeyey  Madaxweynaha Maxkamadda Marwo Joan E. Donoghue. Iyadoo la qaadatay kulan isbarasho iyo is xogwareysi ku aaddan sidii Soomaaliya loogu faaideyn lahaa shaqada garsoorka.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa warbixin laga siiyey  kiiskii badda Soomaaliya iyo Kenya oo Baarlamaanka KMG ah diideen xiligii uu gudoomiyaha ahaa, kiiskaas oo Soomaaliya loo xukmiyay iyo  qaabka ay u shaqeyso maxkamadda  iyo taariikhdeeda.

Guddoomiye Sheekh Aadan iyo wafdigiisa ayaa Marwo Joan E. Donoghue oo ah Madaxweynaha Maxkamadda ICJ, uga mahadceliyey soo dhoweynta ballaaran ee loo sameeyey ayaa xusay in maxkamadda ay gacan ka geeysato sidii loo tayeyn-lahaa adeegyaadda garsoorka dalka.