Guddoomiye Filish Oo Digniin Culus U Diray Dadka Banaanbax Dhigaya.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ( filish) ayaa ka hadlay banaanbixii rabshadaha watay ee ka dhacay shalay magaaada Muqdisho, isaga oo ka digaay in Gobolka Banaadir laga abuuro khalalaaso Amni darro.

Cumar filish waxaa uu sheegay in dadkii shalay banaanbaxay ay ku jireen Maleeshiyaad hubeysna oo hub watay, kuwaasna uu sheegay inay kasoo horjeedaan Go’aankii dowladda Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay Kenya.

“ Mar hadii dadkeenii uu noqday kuwo ducufo ah oo u jilicsan cadawga, kuwo anaga naga mid ah  oo ayaga ay leeyihiin ayaa rabshado bilaabay, Waxaan baraha bulshada ku arkay kuwo Indhaha uu u duuban yahay, waana kuwo u adeegaya Kenya ayuu yiri” Guddoomiye Filish.

Hadalkiisa ayuu sii raaciyey inay jiraan dad ay dhibeyso Go’aanka ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay Kenya, kuwaas oo uu qaarkood sheegay inay abuurayaan khalqal, isaga oo banaanbaxayashii shalay ku tilmaamay inay ahaayeen kuwo dalka burburinaayay.

Hadalka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ( filish) ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli shalay muqdisho ay ka dhaceen banaanbaxyo looga soo horjeeday Madaxweyne farmaajo, banaanbaxyadaas oo qasaao ay ka dhasheen, kadib markii ay isku dhaceen Ciidamada dowladda iyo kuwo ilaalinayay bannaanbaxayaasha