Guddoomiye ku Xigeenka Maaliyadda Oo Maalintii Seddexaad U Xiray Buundo Muhiim Ah.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ciidamo ka amar qaato Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda iyo Siyaasadda ee Gobolka Hiiraan Abuukar Maadey ayaa shalay xirtay buundada Liiq Liiqato oo muhiim u ah isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka Magaalada Beledweyne.

Sababta ay ciidamadaan ula wareegeyn Buundada Liiq Liiqato ayaa lagu sheegay inay ka dhalatay khilaafka u dhaxeeyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyti Cismaan iyo Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda iyo Siyaasadda ee Gobolkaas Abuukar Maadey.

Khilaafka u dhaxeeyo labadaan Mas’uul oo muddooyinkii dambe soo jiitamayey ayaa hadda noqday mid saameyn xoog leh ku yeeshay ganacsiga iyo isku socodka dadweynaha iyo gaadiidka ee Magaalada Beledweyne, waxaana laga cabsi qabaa inuu sababo dagaal ka qarxo Magaalada dhexdeeda.

Ma ahan markii ugu horey in lacago ay isku qabsadaan masuuliyiinta maamulka Gobolka Hiiraan, mana jirto xal rasmi ah oo laga gaaray arrintaan soo noq-noqotay.

Lacagaha laga qaado gaadiidka isticmaalo Gobolka Hiiraan ayaa lagu sheegay inay ka badan tahay bishii 400 Kun oo Dollar, mana jirto wax loogu qabto shacabka Magaalada Beledweyne oo sanad kasta dhibaato kala kulmo fatahaadaha wabiga.

Lacagta kasoo xarooto Gobolka ayaa la sheegay inaysan soo dhaafin gacanta madaxda ugu sarreeyo Maamulkaas, waxayna hadda u muuqataa in dhexdooda ay ku heshiin la’yihiin, iyadoo ay xusid mudan tahay in qoysas badan oo aan heysan adeegyada aas aasiga ee nolosha ay ku dhibaataysan yihiin magaalada Beledweyne, Deegaano iyo dagmooyin hoostaga gobolka Hiiraan.