MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiye kuxigeenka Arrimaha Bulshada degmada Yaaqshiid Cabdullaahi Shiillow ayaa xaqiijiyay dilka Guddoomiye kuxigeenkii Siyaasadda degmada Yaaqshiid ayaa sheegay in qarax loogu xiray Gaarigiisa uu ku qarxay.
Allaha u naxariistee xalay xilli dambe ayaa Guddoomiye ku xigeenkii siyaasadda ee Maamulka degmada yaaqshiid, Macallin Xuseen (filla-wayne) ayaa la dilay xilli uu ku sugnaa meel kamid ah Xaafada Buulo Maaxaay ee degmada Kaaraan.
Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa tegay Ciidamo katirsan kuwa laamaha Amniga Soomaaliya, kuwaas oo halkaasi ka qaaday meydka Allaha u naxariistee Guddoomiye kuxigeenkii Siyaasadda Maamulka degmada Yaaqshiid.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhaawacmeen qaar kamid ah ilaaladiisa.
laamaha Amniga Gobolka Banaadir ayaan weli ka hadlin qaraxa lagu dilay guddoomiye kuxigeenkii Siyaasadda Maamulka degmada Yaaqshiid, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in qaar kamid ah ilaaladiisa ay qaraxa ku dhaawacmeen.