Guddoomiyihii deegaanka Garas-Baalleey oo qarax lagu dilay.

Guddoomiyihii deegaanka Garas-Baalleey Cabdiraxmaan Axmed Cali (Garyare) ayaa ku geeriyooday qarax ka dhacay deegaankaas.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan helayno ayaa sheegaya in Qaraxu uu ahaa Miino dhulka lagu aasay, taasi oo sida la sheegay lagu beegsaday Guddoomiyihii Degaanka Garasbaaleey ee duleedka Muqdisho, waxaana qaraxaasi ku geeriyooday Guddoomiyaha iyo dad kale sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah, kuwaasi oo ku sugan halka ay wax ka dhaceen