Guddoomiyihii Golaha Shacabka ee Waqtigiisa dhacay oo maanta hadlay.

Guddomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Mursal ka Cabdiraxman ayaa qayb galay munaasabadda salaanta calanka si loo weyneeyo Maalinta asaaska Calanka ee 12-ka Oktoobar, ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Sidokale Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo dhammaan shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan maalinta qiimaha badan ee Calanka ayaa tilmaamay in ay muhiimad weyn u leedahay dhammaan ummadda Soomaaliyeed maadaama oo ay ku beegan tahay markii maanta oo kale sanadkii 1954-kii la gardaadiyey Calankeenna oo ah astaan ka turjumaysa gobannimada, wadajirka iyo midnimadeenna.

“Maanta waa maalin ku weyn dhammaan ummadda Soomaaliyeed. Waxa ay ku beegan tahay markii 67 sanno ka hor halyey Maxame Cawaale Liibaan uu hindisay calanka Soomaaliyeed oo ka turjumaya Qarannimada, Gobonnimada, Midnimada iyo Wadajirka Shacabka Soomaaliyeed oo halgan dheer u soo galay sidii ay u hanan lahaayeen xornimadooda iyo talada dalkooda.”