Guddoomiyihii Golaha Shacabka oo qarka u saaran inuu waayo kursigiisa Xildhibaanimo

MUQDISHO-AYAAMAHA-Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ahaa guddoomiyihii golaha shacabka ee muddo xilkooda dhammaaday ayaa dhawaanahaan la waayey warkiisa, isagoo marna lagu arkin fagaaraha siyaasada, isagoo ahaa qofkii shaaciyey labada sano ee muddo kororsiga ee la rabay in Madaxweyne Farmaajo loogu darri.

Warar lagu kalsoonan karo ayaa sheegaya in Maxamed Mursal uu shaki ka qabo inuu waayi doono kursigiisa xildhibaanimo iskabada inuu markale noqdo gudoomiyaha golaha shacabka.

Villa Somalia ayaa la sheegay inay wax dan ah ka laheyn soo laabashada guddoomiyaha, weliba ay rajaynayso inay meesha ka saarto kursigii xildhibaanimo, waxaana la sheegay in booskiisa lagu bedeli rabto siyaasi cusub.

Mursal ayaa ahaa masuulkii horkacaayey in Madaxtooyada muddo kororsi labo sano ah loo sameeyo. madaxweyne farmaajo ayaa la sheegay inuu u abaal gudi doonin Maxamed Mursal.