Guddoomiyihii Guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle oo ka hadlay xilka qaadistii lagu sameeyey.

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Gudoomiyihii  Guddiga Doorashada Hirshabelle ee Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali guudlaawe Xuseen uu xalay xilka ka qaaday Axmed Xasan Diini ayaa sheegay in uu weli yahay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka hir-Shabeelle, isaga oo sheegay in doorashada ay soo wajahday caqabad.

Axmed Xasan Diini oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Beledweyne wuxuu sheegay in doorashooyinka ka socda beledweyne ay u hakatay sababo la xiriira faragelin uu ku haayo Madaxweynaha Hir-Shabeelle iyo Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada.

Wuxuu sheegay in xulafada Madaxweynaha hir-Shabeelle ay fariisin ka sameysteen Madaxtooyada Hir-Shabeelle ee Beledweyne, isla markaana ay sameeynayaan waxyaabo caqabad ku ah doorashooyinka Golaha Shacabka, isaga oo cadeeyay in madaxweyne Cali guudlaawe uu qatay go’aamo kasoo orjeeda sii socoshada doorashada.

Hadalkaan kasoo yeeray Gudoomiyihii  Guddiga Doorashada Hirshabelle ee xil ka qaadista lagu sameeyay Axmed Xasan Diini ayaa daba socda xilli qoraalka xilka qaadista ee kasoo baxay Madaxweynaha Hir-Shabeelle lagu sheegay in gudoomiyaha uu hagal daacin ku waday doorashooyinka.