Guddoomiyihii ku meel gaarka ahaa ee golaha shacabka oo soo bandhigay arrin  qarsooneyd oo ku saabsan Fahad Yaasiin.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xildhibaan Cabdisalaan Axmed Liibaan Dhabancad oo ahaa guddoomiyihii ku meel gaarka ahaa ee xildhibaanada golaha shacabka intii laga soo dooranayey guddoonka rasmiga ah ee golaha  ayaa ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil oo muddooyinkii dambe aad loo hadal haayey.

Dhabancad ayaa oo waraysi siiyey warbaahinta ayaa sheegay in eeda Ra’iisulwasaare Rooble ee Kiiska Ikraan Tahliil ay tahay rag iska dhicin uu Fahad Yaasiin ku wajahan ra’iisul wasaaraha iyo masuuliyiin kale oo uu sheegay inay dileen Ikraan Tahliil.

“Inta aan Rooble ka aqaano waa iska yartahay oo labo ama seddax jeer ayaan arkay, ninkii yiri Rooble ayaa gabar dilay isagaa la weydii doonaa oo dalka garsoor ayaa ka jira, Laakiin anaga arrintoodu nama quseyn oo Rooble wuxuu ahaa nin aan musharax aheyn oo dadaalaya oo leh wixii la ii diray hala dhameystiro,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Sidookale wuxuu sheegay in ka Dhabancad ahaan uusan garaneyn sabab Rooble ku kalifi karta inuu gabar dilo, “Warkaas wuxuu iila muuqdaa war la iska yiri ee warbaahintu hadaba gasho oo weydiiya ninkii yiri.”

“Rooble wuxuu dilay gabar sarkaal ah oo NISA ka tirsan, qofkii yiri waa la weydii doonaa maalin un ama Rooble ayaa ka dacwoo kara oo maxkamad tegaya, qof wax uusan aheyn lagu sheego khatarteeda ayey leedahay,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad.

“Ragii NISA madaxda ka ahaa xiligaas hadda baarlamaanka ayeyba soo galeen oo waan arkay, marka dadkaan waa in maxkamad lagu kala saaro, dalka hadey ka suurta geli weyso adduunka ayaa lala aadi karaa,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad.