Guddoomiyihii Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Oo Xilka Laga Qaaday.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida, isagoo mid cusub magacaabay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamadda ayaa loo magacaabay inuu noqdo Maxamuud Axmed Xasan (Dalab), wuxuuna bedelayaa Jen. Liiban Cali Yarroow oo xilkaas muddo haayay.

Guddoomiye Maxamuud Axmed ayaa horey u soo noqday Wasiirka Ganacsiga Xukuumaddii Ra’iisul Wasaare  Cabdi Shirdoon Saacid, xiligii dalka uu Madaxweyne ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddoomiyaha Cusub ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka G/sare Maxamuud Dalab ayaa ka tirsan Taliska Ciidanka Booliska, wuxuu horay ula soo shaqeeyay Maxkamaddii Badbaadada ee uu Guddoomiyaha ka ahaa Jen. Maxamuud Geelle Yuusuf.