Guddoomiyihii ugu horreeyey ee ciyaal weero heshiis la galay!

MUQDISHO-AYAAMAHA-Gudoomiyahii Dagmada wadajir Axmed Cabdule iyo ciyaal weerada degmada ku nool ayaa heshiis dhexmaray kadib hadal jeedin kooban oo Guddoomiyaha u jeediyey dhalinyarada ciyaal weerada, kuna qanciyey sidii ay u joojin lahaayeen dhibaaatada ay bulshada ku hayaan.

Gudoomiyaha ayaa dhalinyarada kale ee xaafadaha ugu baaqay iney tirtiraan qoraalada xumaanta ka tarjumaayo ee u horseedaya dagaal dhexdhooda dhexmara, waxaana uu ku baaqay guud ahaan inan la aqbali karin qoraaladaas iyo falalka ciyaal weerada geystaan.

Ciyaal weerada ayaa ah kuwa mudooyinkii dambe dhibaato ku haayey guud ahaan degmooyinka gobolka Banaadir, iyagoo koox koox u dagaalamaya, qofkii ay arkaana dili jiray waxay wataana ka qaadi jiray, iyagoo aan kala saareynin yar iyo weyn, waayeel iyo caruur.

Qaar kamid ah Degmooyinka ee Gobolka Banaadir ayaa looga qaxay ciyaal weero darteed.

Waa guddoomiyihii ugu horreeyey ee soo bandhigay ciyaal weero oo heshiis la dhexdhigay, iyagana raali ay ka yihiin heshiiska, sidookalena ay joojinayaan dagaalka iyo dhibaatada ay bulshada kale ee degmada u geystaan.