Gudiga Doorashooyinka heer federaal oo goordhaw gaaray Kismaayo.

KISMAAYO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaa Muuse Geelle Yuusuf iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ahna Caasimadda KMG ah ee Maamulka Jubbaland, iyagoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Guddoomiye Muuse Geelle oo ay wehlinayeen xubno ka tirsan Guddiga doorashooyinka ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland, kadibna waxaa loo gabiyey Xarunta Madaxtyooyada.

Muuse Geelle Yuusuf ayaa kulan la qaadan doona Guddiga doorashooyinka Jubbaland oo ay ka wada hadli doonaan dardar-gelinta qabsoomida doorashada 16-kursi oo lagu qabanayo Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, waxaana la rajaynayaa in ay usii gudbaan Ceelwaaq halkaas oo lagu qaban doono doorashada 16ka kursi ee gobolka Gedo.

Sidoo kale Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka ayaa la kulmi doona Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, wuxuuna kala arrinsan doonaa doorashada 16-ka kursi ee laga soo wareejiyay deegaan Magaalada Garbahaareey, isagoo Geelle usii gudbaya Ceelwaaq oo doorashada loo wareejiyay.