Gudoomiyaha Aqalka sare iyo gudoomiyaha Golaha Shacabka oo ka dagay Garowe

GAROWE-AYAAMAHA-Gudoomiyaha Aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxm ayaa maanta ka dagay Garowe.

Waxaa halkaas ku soo dhaweeyay madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Dani.

Waxaa la filayaa inay maalmaha soo socda ka qeybgeli doonan Madasha doodaha machadka Heritage oo markii ugu horeysay lagu qabanayo gudaha dalka, Garoowena ka furmaya todobaadkan.