Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan oo ka hor yimid Doorasho ka dhici laheyd Beledweyne

MUQDISHO-AYAAMAHA-Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in la hakiyay doorashada Kuraasta Beledweyne, sababo amni darro awgeed.

Wararka qaar ayaa sheegaya in arrintan la xiriirto khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle oo isku haya kuraasta in la furo oo loo tartamo iyo in la xiro.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa doonaya in Musharaxiinta ay wadato Villa Soomaaliya loo xiro kuraasta ay u tartamayaan halka Guudlaawe uu doonayo in kuraasta si daah furan loogu tartamo.

Kuraasta Baladweyne taala ayaa u muuqata kuwa aad udag oo loolankooda uu gaaray heer dagaal uu dhaco..