Gudoomiyaha Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka oo maanta Muqdisho lagu dooranayo

MUQDISHU-AYAAMAHA-Waxaa Maanta lagu wadaa in teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho ay ka dhaco doorashada guddoomiyaha cusub ee guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka dalka.

Guddiga u qaabilsan qabanqaabada doorashada guddoomiyaha cusub ee xalinta khilaafaadka ayaa shalay waxay soo gabagabeeyeen diiwaan gelinta Musharaxiinta dooneysa iney u tartamaan qabahsada xilka guddoomiyenimo.

Doorashada guddonka cusub ee guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ee maanta dhaceysa ayaa waxaa goobjoog ka noqon doono masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, waxaana haatan socota qabanqaabadii ugu dambeysay ee loogu diyaar garoobayo doorashada Maanta dhaceysa.

Si kastaba ha ahaatee dhowr maalmood ka hor ayay aheyd markii teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho lagu doortay guddoomiyaha cusub ee guddiga doorashooyinka dalka Muuse Geelle Yuusuf, kadib markii guddoomiyahii hore guddigaas Maxamed Xasan Cirro ay xilkii ka tuureen xubnaha guddiga oo ku eedeeyay inuu ku dhex milmay siyaaaadda.