Gudoomiyaha Midowga Afrika “Soomaaliya iyo Kenya waa inay heshiiyaan”

MUQDISHO-AYAAMAHA-Gudoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, oo ka mid ah madaxdii furitaanka shirkaas ka hadashay ayaa soo hadalqaaday sida loogu baahan yahay in si degdeg ah xal loogu helo khilaafka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

“Xiisaddii dhawaan dhexmartay Kenya iyo Soomaaliya oo ah laba waddan oo deris ah taas oo sababay in uu go’o xiriirkii diblomaasiyadeed ayaa ah arrin walaac weyn ku ah Midowga Afrika. Sidaa awgeed, waxaan jeclaan lahaa in labada dal aan ka codsado in ay furaan wadahadal ujeedadiisu tahay in dib loo soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed iyo in aan ka codaso urur goboleedka IGAD in labadani dal ay arrintaas ku dhiirigeliyeen.” Ayuu yiri Moussa.

Hadalkaasi kaddib ayaa madaxda IGAD waxa ay isku kaliyeesheen kulan ay albaabada u xiran yihiin oo ay ka qeybgalayaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta.

Shirkaas ayaa lagu wadaa in lagu faaqidi doono khilaafka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal ee dariska ah.