Gudoomiye Cirro oo beeniyey warqad dhawaan kasoo baxday Villa Somalia.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xafiiskiisa Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro.

Kulankaan ayaa loogu hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa Guud ahaan Doorashooyinka Golaha Shacabka ee dalka ka socda, iyadoona Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho u balan-qaaday Guddiga Doorasho in ay kala shaqeyn doonaan wixii fududeyn ah ee ku aadan kuraasta doorashadooda ay ka dhaceyso Gobolka Banaadir.

Waxaa jirta kuraas doorashadooda lagu qabanayo Muqdisho oo ka mid ah golaha shacabka Soomaliya,iyadoo doorashada ay ka mid yihiin xildhibaanada banaadiriga & kuwa gobollada wuqooyi kuwooda kasoo galaya Baarlamaanka 11aad Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa jirtay in khilaaf soo kala dhex galay Gudoomiye cirro & C/nuur Maxamed Axmed oo markii hore xilkaan uqal qaaliyey in la magacaabo.

Warqadii dhawaan Fahad & farmaajo soo agaasimeen islamarkaana la doonayey in doorashada dib loogu dhigo ayuu Cirro beeniyey in guddigooda soo saareen sidaasna lagu fashiliyey qorshe Villa Soomaaliya damacsaneyd.

Waxaa hadda soo baxaya warar sheegaya in Madaxtooyada Soomaaliya ay qorshoneysa Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal soomaaliya Maxamed Xasan cirro oo hanaankii xafiiska madaxweyne farmaajo damacsanaa hor yimid.