Gudoomiye Cumar Filish Oo digniin udiray dad kusugan Muqdisho

4

MUQDISHO-AYAAMAHA-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa waxa uu maanta kormeer ku tegay qeybo ka mid ah Jidka Sodonka Ee Magaalada Muqdisho isagoo ka hadlay dhibaatada wadada daallo ka jirta.

Gaadiidka ayaa ka caagay inta udhaxeysa Baar ubax ilaa Blacksea maadaama roobkii da’ayey maalmihii dambe uu biyo fadhiisid ka dhigay jidka halbowlaha u ahaa isku socodka gaadiidka halkaasi mari lahaa.

Duqa Muqdisho ayaa digniin udiray dadka deegaanka oo diiday in wadada wax laga qabto iyo kuwo dano gaar ah leh sida uu sheegay oo caqabad ku ah howsha la qaban lahaa.

Sikastaba agagaarka isgoyska daallo ayaa waxa dhawaan ku rogmaday gaadiid raashin ku rarnaa islamarkaana ay dadka dhibaato ku qabeen xirnaashiyaha wadadaasi.