Gudoomiyihii Isboortiga Garasbaaleey oo xilkii iska casilay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Gudoomiyihii Isboortiga garasbaaleey Yaasiin Cali Dilkeey ayaa maanta oo arbaco aheyd shaaciyey inuu iska casilay xilkii uu hayey kadib amni daro soo korortay deegaanka.

Waxaa uu sheegay inay soo wajahday xaalada Amni darro ah.

Al Shabaab ayaa shalay qarax ku dilay gudoomiyihii deegaanka garasbaaleey ee magaalada Muqdisho kaas oo lagu magacaabi jiray marxuum Maxamed Abuukar Afrax.

Dilkiisa ayey Al Shabaab u adeegsadeen gaari uu watay oo qarax lala eegtay xilli uu marayey inta udhaxeysa garasbaaleey iyo degmada Kaxda.

Hore sidaan oo kale Al Shabaab ayaa udilay mas’uuliyiin katirsanaa isla maamulka garasbaaleey amni ahaana waa meel aad looga cabsado.