Gulufka ka bilowday Shabellaha dhexe oo soo afjarikara waayihii dagaal ee Al-Shabaab

MUQDISHO-AYAAMAHA-Dagaalka udhaxeeya ciidamada dawlada iyo Al Shabaab ayaa umuuqda mid galay marxaladii ugu culusaa,marka la eego baaxada deegaanada duulaanka lagu qaaday ay hore ujoogeen Al Shabaab.

Gulufka ka bilowday gobolka Shabellaha dhexe oo ay horkacayaan xildhibaano heer federaal ah iyo kuwo Dawlad gobolleedka Hirshabelle ayaa lagu doonayaa in lagu xoreeyo deegaano dhowr ah.

Ciidamada Dawlada iyo kuwo dadka deegaanka ah oo aad uhubeysan ayaa gaaray degmada faca weyn ee Cadale,halkaasi oo ay abaabul dagaal ka bilaabeen saacado ka hor.

Xildhibaanada kala ah,Maxamuud abuukaate,Maxamed Cajiib iyo Cusmaan Xaadoole ayaa hogaaminaya duulaanka Sh.dhexe la rabo in lagu xoreeyo,kuwaas oo yoolkooda ugu weyn yahay sidii ay uqabsan lahaayeen degmada Aadan Yabaal oo ah mid ka mid ah saldhigyada Al Shabaab ee Gobolka Shabellaha dhexe.

Inkastoo saraakiisha ciidanka ay diideen inay xog bixiyaan xilliga duulaankooda ku beegan yahay arrimo ciidan awgeed ayey hadana sheegeen in war lagu farxo wakhtiyada soo socda dadka urajeynayaan inay maqli doonaan.

Dhanka kale wararka ka imaanaya Aadan Yabaal ayaa sheegaya in Al Shabaab dhaq dhaqaaqyo ka bilaabeen ay dadka ku hubeenayana si ay udifaacdaan halkaasi.

Howlgalka Shabellaha dhexe ayaa waxaa iska kaashanaya,Ciidamada Danab,kuwa Gor gor,Guutooyinka kale ee Meliteriga Xoogga Dalka iyo Dadka deegaanka ee Macawiisleyda loo yaqaano.

Dawladda Soomaaliya ayaa waxaa lasoo warinayaa inay ku dhawaaqday duulaanka xoreynta Al Shabaab meelaha ay joogaan uu yahay mid cudud walbo iskugu geyn doonto sidii looga miro dhalin lahaa taas oo hadda la naawilayo waxa soo bixi doona.

Xogaha la ogaaday ayaa sheegaya in Dawladda Soomaaliya gaar ahaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ahmiyad gaar ah siinayo sidii loo xoreyn lahaa Shabellaha dhexe uu deegaan ahaan kasoo jeedo ilaa Gal gaduud oo la rabo in la isku furo.

Howlgalka ka bilowday Shabellaha Dhexe ayaa waxa uu yahay mid culeyska ku kordhin kara Al Shabaab oo waayihii dambe dagaal hal afle ah kala kulmay Kacdoonka Hiiraan uga yimid oo deegaano badan ay kaga sugnaayeen Gobolkaasi laga saaray waloow ay dib uqabsadeen.

Waxay ka dhigan tahay Duulaanka Sh/Dhexe mid lagu kala jari doono isku gurmashadii Al Shabaab ka sameenayeen Labada Shabelle,Hiiraan & gal gaduud taas oo dhowr jiho dagaal looga furayo waxaana saraakiisha ciidamada Soomaaliya ay muujiyeen in markaan guushii Umadda Soomaaliyeed soo dhawaatay kana codsadeen in shacabka iyaguna ciidankooda garab iyo gaashaan unoqdaan.

Dhowr jeer qaladaad dhacay ayaa jira oo deegaano inta ciidamada iskaabaya kala wareegaan Al Shabaab balse maalmo kadib ay iskaga soo baxaan,oo dib uqabsadaan Al Shabaab,waxaana la isweydiinayaan waxa uu howlgalkaan ka bilowday Sh/Dhexe uu kaga duwanaan doono kuwii Hore Hiiraan,Gal gaduud iyo Mudug uga socday?