Guriceel oo maalintii saddaxaad ka socda dagaal iyo rasaas culus oo la maqlaya.

DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Magaalada Guriceel ee maamulka Galmudug ayaa maalintii seddaxaad waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya Ahlusunna iyo ciidamada dowladda iyo Gapmudug oo isku dhinac ah.

Ciidamada dowladda ayaa la wareegay goobaha ugu muhiimsan ee Magaalada, sida Saldhigga xaruunta degmada iyi goobo kale balse weli dagaalku ma dhaamin oo waxaa la maqlayaa rasaas culus labada dhinac ay isku adeegsanayaan.

Majirto xal rasmi ah oo laga gaaray dagaalka, mana jirto cid isku mashquulisay sidii dagaalka loo joojin lahaa, ayadoo bulshadda ku nooleed Guriceel ay hada ku noolyihiin meel ka baxsan magaalada oo geedaha hoostooda ah.

Intii uu socday dagaalkaan waxaa ka dhashay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac aad u tira badan kaas oo kala gaaray labada dhinac.