Guriga hoggaamiyaha Xamaas oo duqeyn lala eegtay.

Muqdisho-Ayaamaha-Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa duqeymo dhowr ah ka geystay guriga hoggaamiyaha ururka Xamaas Yaxya Al Sinwar.

Ma kala cadda tirada dadka ku dhimatay ama ku dhaawcantay duqeymihii ugu dambeeyay ee laga geystay Qaza xilli dagaallada ay galeen maalinkii toddobaad.

Ururka Xamaas ayaa gantaallo ku riday Israa’iil, arrintaas oo dhalisay cabsi ah inay gabbaad ay raadsadaan.

Mar sii horreysay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay sii xooggan uga jawaabi doonto gantaallada Xamaas tan iyo inta amniga dib looga soo celinayo.

Wuxuu sheegay in wadahadallo la bilaabo doono oo kaliya ah marka la joojiyo gantaallada lagu ridayo dhinaca Israa’iil.

Saraakiisha caafimaadka ee Qaza waxay sheegeen in 150 qof ay kamid yihiin carruur ay ku dhinteen halkaas, halka Israa’iil ay sheegtay in dhinaceeda ay dagaallada kaga dhinteen 10 qof.