Guudlaawe iyo Qoorqoor oo kusoo wajahan Muqdisho iyo Farrinta Farmaajo u diray

MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa goordhow Magaalada Muqdisho kusoo wajahan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug & Hir-Shabeelle ee Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) Cali Guudlaawe Xuseen.

Guudlaawe iyo Qoorqoor ayaa si kala gooni gooni ah diyaarado uga soo kala raacay Magaalooyinka Jowhar oo Gobolka Shabeellaha Dhexe ah iyo Magaalada Dhuusamareeb oo Gobolka Galgaduud ah.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in labada Madaxweyne ee Hir-Shabeelle iyo Galmudug ay Muqdisho ka bilaabayaan waan waan lagu dhex dhexaadinayo Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble si xal buuxa loo gaaro.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu farriin u diray labada Madaxweyne si ay u dhexdhexaadiyaan Rooble iyo Farmaajo.

Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa ku guuleysan waayay in uu xaliyo khilaafkaan kii ka horreeyay balse uu ku guuleystay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen).

Safarka labada Madaxweyne ay ku imaanayaan Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli uu ka taagan yahay  khilaaf xooggan oo ka dhaxeeya RW Rooble iyo Farmaajo kaas oo gaaray meeshii ugu sarreysay.