Guudlaawe oo ballan qaaday cajiib ah u sameeyey Reer Beledweyne.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe oo ka hadlaayay Munaasabad soo dhaweyn ah oo loogu sameeyay Beledweyne oo uu Maanta gaaray ayaa waxaa uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu xalliyo tabashada oo laga qabo dhismaha Maamulkiisa, isla markaana uu doonayo in lasoo afjaro khilaafyada ka dhashay doorashadiisii ka dhacday Magaalada Jowhar.

Waxaa uu sheegay inay muhiim tahay in tabashada jirta la xaliyo oo lagu dhammeeyo wax kasta wada-hadal ah, walaalnimo iyo mid shaqsiyadeed intba, wuxuuna Carabka ku dhuftay in aysan jirin wax ka muhiimsan wada-hadallada.

“Waxaan Alle hortiisa ka ballan qaadayaa in aan si Cadaalad u hoggaamiyo dadka,  Baladweyne Doorashado ayaa ka dhaceysa, kumannaan qofna waa imaanayaan, waxaa dadka Magaalada laga rabaa soo dhaweyn, martigelin iyo amni sugid, waxaana ballan qaadayaa in doorasho daah-furan oo Cadaalad ay ka dhici doonto Baladweyne iyo Jowhar”ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Sikastaba tagitaanka Madaxweynaha HirShabeelle Guudlaawe ee Beledweyne ayaa kusoo aadeysa xiliga gabagabo tahay waqtigii lagu balamay in doorashada Soomaaliya lagu soo gabagabeeyo. Beledweyne waxay kamid tahay goobaha loo asteeyey in lagu qabto doorashada.