Guudlaawe oo heshiis rasmi ah la saxiixday Nabadoonada iyo waxgaradka Beesha Xawaadle.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe oo maanta la kulmay Guddi ka socday Waxgaradka iyo Odayaasha Beesha Xawaadle ayaa heshiis rasmi ah ka gaaray tabashii ay ka qabeen Hirshabelle, iyagoo ku balamay in wixii maanta ka dambeeyo laga shaqeeyo midnimada iyo wadajir dowladnimada.

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay odayaasha waxa uuna sheegay inuu aqbalay dhamaan qodobadii ay soo jeediyeen.

“Waxaan maanta kulan qiimo badan la qaatay odayaasha nabadoonada iyo waxgaradka beesha xawaadle oo aan kala hadlay tabasha ay ka qabeen Dowladda Hirshabeelle” ayuu yiri Guudlaawe.

Sidooklae madaxweynaha ayaa yiri “waxaan heshiis rasmi ah ka gaarnay tabashii ay qabeen anigoo ka aqbalay dhamaan qodobadii ay iisoo jeediyeen, waxaana ku balanay in maanta kadib aan ka wada shaqeyno midnimada iyo wadajirka Dowladda Hirshabeelle”