Guudlaawe oo ku dhawaaqay in qof Muwaadin ah uusan ka reebi doonin liiska Musharaxiinta.

JOWHAR-AYAAMAHA-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay in Maamulka uu madaxds ka yahay uu culeys badan kala kulmay howlaha doorashooyinka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in ,iyada oo muddo kooban uu dhisan yahay Maamulka Hir-Shabeelle uu kusoo aaday khilaaf kajira doorashooyinka, taasina ay keentay in Madaxda Hir-Shabeelle ku mashquulaan doorashada heer federaal ee Soomaaliya, isla markaana ay wax badan u qabsoomi lahaayeen.

Sidoo kale Cali Guudlaawe waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in caqabadihii farabadan laga soo gudbay, haatana dalka uu u jiheystay doorashooyin ka maamul ahaana diyaar u yihiin qabashasa doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare.

Waxaa kaloo uu carabka ku adkeeyey in liiska Musharaxiinta Aqalka sare uusan ka reebi doonin qof muwaadin  HirShabeelle ah oo uu soo buuxiyey sharuudaha Musharaxnimo.

Hadalkaan ayaa Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen waxaa uu ka sheegay furitaanka kal-fadhiga labaad ee Golaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle.