Guudlaawe oo qaabilay Guddiga Madaxa banaan ee Xuduudaha & Federaalka

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle  Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Madaxtooyada Magaalada Beledweyne kula kulmay Gudiga Madaxa banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka.

Madaxweynaha waxaa kulanka ku wehliyay Madaxweyne Ku Xigeenka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar, Wasiir Arrimaha Gudaha, iyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan waxaana gudiga ay ka warbixiyeen u jeedka ay u yimaadeen Magaalada Beledweyne oo ahaa xaqiijinta Soohdinta ay wadaagaan Hirshabeelle iyo Galmudug.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada qaran ee gudiga waxa uuna faray Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Maamulka Gobolka Hiiraan inay kala shaqeeyaan fududeynta howshooda shaqo.