Guudlaawe oo shaaciyey in 48 qof ay ku dhinteen 108 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxii Beledweyne.

BELEDWEYNE-AYAAMAHA-Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa si adag u cambaareeyay qaraxii xalay ay Al-Shabaab ka geysteen Magaalada Beledweyne Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Madaxweynaha ayaa u tacsiyeeyay ehelada iyo qaraabada Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi, Masuuliyiinta iyo shacabkii ku nafwaayay weerarkii Magaalada Beledweyne.

Wuxuu xaqiijiyay Madaxweyne Guudlaawe in qaraxyadii ka dhacay Magaalada Baladweyne ay ku dhinteen 48 qof oo ku jireen Marxuumad Aamina Maxamed Cabdi iyo Xildhibaan hore Cabdi Cali Dhuxul, halka 108 qof kalena ay ku dhaawacmeen.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa tilmaamay inay jiraan dad badan dhismayaal kusoo dumeen, wuxuuna ballan qaaday in dadka qaba dhaawacyada culus loo qaadi doono meel kasta oo ay kaalmo Caafimaad ka helayaan, isla markaana gurmad loo sameeynayo.

Isaga oo sii hadlaayay Madaxweyne Guudlaawe ayaa waxaa uu qaraxyadii ka dhacay Baladweyne ku tilmaamay musiibo weyn oo uu xusay in lagu dilay Indhihii shacabka, sidoo kalena lagu burburiyey dhismayaal farabadan oo ku yaallay Magaalada.