Guudlaawe oo si kuluul uga hadlay Dad aanooyin qabiil loogu dilay Hiiraan

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa si kulul waxaa uu uga hadlay dadkii dhawaan lagu dilay degaanka Kabxanleey ee Gobolka Hiiraan.

Dadka la dilay oo ahaa dad Beeraley ah islamarkana aan hubeysneyn ayaa waxa uu sheegay Cali Guudlaawe iney ka dambeyn doonto isla xisaabtan waxaana uu u tacsiyeeyay qoyskaski ay ka baxeen.

Madaxweynaha Hirshabelle waxa uu sidoo kale ka digay in Colaada u dhaxeysa labada beeleed ee aanooyinka qabiil isku dilayai ay sii dheeraato taa oo keeni karta dhiig u data si maalaayacni ah.

Maamulkiisa Hir-Shabeelle ayuu xusay in ay  diyaar u yihiin in uu gogol Nabadeed kala dhex-dhigo dhinacyada ay Colaada ka dhaxeyso, isaga oo ugu baaqay inay wada-hadal ku xaliyaan colaadooda.