Guusha Xasan Sheekh ee kamid noqoshada Somalia ee dallada bulshada Bariga Afrika.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxda dalalka East African Community ayaa maanta ku kulmaya magaalada Caruusha ee waddanka Tanzania. Shirkaan waa kii 23-aad ee heerka madaxda sare ee ururkaan.

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galaya madasha codka loogu qaadayo Soomaaliya, waxaana madaxweynuhu shalay galab gaaray magaalada Caruusha ee waddanka Tanzania, si uu u xoojiyo ololaha dalkiisa.

Ururkaan waxaa hadda ku jira toddoba waddan, Soomaaliya waxay noqon doonta dalkii siddeedaad. Waddamada Tanzania iyo Kenya ayaa kamid ah dalalka riixaya in Soomaaliya la siiyo fursad.

Marka la eego xilliga la aqbalay in la dhageysto oo ficil ahaan loo qaatay codsiga Soomaaliya iyo xilliga uu soo baxayo go’aanka aqbalidu, waxay Soomaaliya noqon doonta dalkii ugu dhaqsiyaha iyo deg-degta badnaa ee gala ururkaan.

Dadka diidan ku biirista Soomaaliya ee ururkaan ayaa qaar waxay xujo ka dhigayaan in argagixisada ka dagaalanta Soomaaliya ay weli tahay caqabad aan laga boodi karin oo ka faa’iideysan karta fursadaha socdaalka iyo ganacsiga ee laga faa’iidi doono ku biirista ururkaan iyo dhinaca kale dayacaada ka muuqata dhanka hay’adaha cadaaladda ee Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa ku jirta marxalad isbeddel amni ah iyada oo la dirireysa argagixiso caalami ah. Dalalka ururkaan ku jira waxay fahamsan yihiin baaxada kheyraadka aan weli la isticmaalin ee Soomaaliya iyo sida uu gobolka uga faa’iideysan karo qoddobka kheyraad waddaaga, xoriyadda ganacsiga iyo canshuuraha mideysan.