Hadal hayn ka dhalatay Atoore masraxa ku dharbaaxay majaajiliiste xaaskiisa wax ka sheegay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Atooraha caanka ah ee aflaamta Hollywood-ka ayaa dharbaaxo kulul ku dhuftay majaajiliiste Chris Rock xilli ay socotay xafladda abaarmarinada aflaamta ee Oscars.

Tani ayaa ka dambeysay kadib markii majaajiliistaha uu hadal maad ah ka sheegay xaaska atooraha Jada Pinkett Smith.

Majaajiliistaha oo ahaa daadihiyaha xafladda ayaa ku kaftamay madaxa xiiran ee xaaska Will Smith, isaga oo balse si duurxul ah u sheegay arrintaasi, wuxuuna afka ku dhuftay filimka G.I Jane 2 oo ah filim ay ku jirto atariisho madax xiiran.

Will Smith ayaa markii uu fadhigiisa kusoo laabtay yiri “Afkaaga ustagga ah ka leexi xaaskayga”.Iyada oo Chris Rock uu ku jawaabay “Kani waa habeenkii ugu weynaa ee taariikhda aflaamta”.